Al-Shabaab kaliya ma ahan halis milatari balse waxay khatar ku ah horumarka Soomaaliya, sidda uu ka dhawaajiyey Denjiraha Qaramadda midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, James Swan.
Swan oo wareysi siiyay wargeyska Turkiga kasoo baxa ee Daily Xayaat, ayaa Sheegay in Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay wali tahay halis aan la iska indhatiri kara ayna fulin karaa weeraro abaabulan,kuwaasi oo waxyaalo u geystay dadka shacabka.
“Waxaan ku kalsoonahay in qaabka argagxisinimo ee Al-Shabaab iyo hadafkooda qaloocan ee mustaqbalka dalka aysan aakhiritaankii taageero ka dhex-heli doonin Soomaalida dhexdooda,Afartii sano ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisay laba kamid ah weeraradii ugu dhimashada taariikhda waddanka xasuuqii Soobe iyo qaraxii isgoyska Ex-kontarool Afgooye oo ay boqolaal rayid ku leedeen,Isla waqtigaas, Al-Shabaab wali waa dagaalyahano iska caabin sameyn karta.
Waxay sii wadaan weeraro abaabulo; waxay adeegsadaan qaraxyo,waxaana ay muujinayaan in ay awood u leeyihiin ficilada milatari,” ayuu yiri Denjire James Swan.
Dhanka kale Denjiraha Qaramadda midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne oo waqtigeeda uu dhamaaday ay ku fashilantay Sugidda Amniga iyo dagaalka Al-shabaab.
“Waa mid waajib ay tahay in aan xuso in khatarta Al-Shabaab aysan kaliya ahay mid milaatri. Balse waa guud ahaan shaqada laga qabanayoSoomaaliya ee dhismaha hay’addaha dowladda, in dowladda ay wax ku ool noqoto, in ay u adeegto dadweynaha, in ay u cadaalad fasho iyo in ay sarre u qaado horumarka waddanka,” ayuu kusoo gabagabeeyay danjire James Swan.

