Madaxweynayaasha maamula koonfur galbeed iyo galmudug ayaa maanta dalka dib ugu soo kadib saraf shoqo oo ay dalka diba diisa ugu maqnaayeen
Wafdiyo ay kala hogaaminayeen madaxweynaha koonfur galbeed cabdicasiis Xasan maxamed lafta gareen iyo Madaxweyanaha Maamulka galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor Ayaa ka kasoo degay garoonka diyaaradaha aadan cade ee magaalada muqdisho halkaasi oo siweyn ay ugu soo dhaweeyeen Xildhibaano,Wasiirro heer Fadaraal iyo Heer Dowlad Goboleed ah & qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Madaxweynayaashan ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalka turkiga waxaana la sheegay in intii ay ku sugnaayee gudaha dalka turkiga ay kulamo siyaasadeed ay ka wadeen islamarkaasna ay wadeen qorshayaalbadan oo ay halkaasi utageen oo ay qeyb ka tahay olalaha doorashada la filayo in ay ka dhacdo dalka iyo mushraxa ay rabaan in uu kusoo baxo madaxweyanha jamhuriyada faderaalka somalaiya
wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynayaashaan musharaxa ay u olaleeynayaan uu yahay madaxweyanaha haatan dalada dalka ee maxamed cabdulaahi farmaajo in mar kale dib loosoo doorto
Sidookale Madaxweynayaasha maamulada galmudug iyo koonfur galbeed ayaa waxa la sheegay in magaalada muqdisho kulamo kala duwan kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda faderaalka somalaiaya wixii intaasi ka dambeyana ay dib ugu laaban doonaan deegaanada ay ka arimiyaan
inta badan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dalka ka maqan iyadoo uu dalku haatan uu ku jiro xaalad kala guur ah islamarkaasi wiixii haatan ka dambeeya la filayo in loo dareero dooraasho
ayaa waxaa jira abaabul xoogan iyo diyaar garow loogu jiro cida noqoneysa madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka somaliya oo haatan waqtiga u haray xukuumada jirata lagu qiyaasayo wax ka yar sadax bilood

