kadib qarax qasaara kala duwan geeystay oo ka dhacay deegaanada maamulka somaliland ayaa waxa ka tasiyadeeyay madaxweynaha maamulka somaliland muusa biixi cabdi
Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso waxaana la sheegay in uu haleelay gaari bus ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah islamarkaasna uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
qaraxaan ayaa waxa la sheegay in buska ku haleeyay xili uu marayay degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer
qasaaraha la axaqiijiyay ee qaraxaan ayaa waxa lagu sheegay in uu ku dhintay hal qof islmarkaasna ay ay wax yeelo ka soo gaartay sadax qof oo iyaguna saarna gaariga bus ka ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka xukumada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Sii-arag oo ku geeriyooday , Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, oo ay miino kula kacday gaadhi bas ah oo uu saarnaa isaga iyo Ardayda Dugsiga Ina Sanweyne.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa ardaydii ku dhaawacan tahay qaraxaa miinada inuu caafimaad taama siiyo kana boogo dhayo dhibtaas soo gaadhay.

