Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037
Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.
Dowladda Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.
waxaana muddyinkii dambe maamulka puntiland uu aaha mid sameeynayay hormaro dhinaca dhaqaalaha islmrkaasna ay booqasho ku imaanayyeen ganacsato iyo booqdayaal calami ah kuwaasi oo indha in dheyn ku sameeynayay maalgashiga iyo sida ay qeyb uga qaadan karaan kobaca dakhliga
waxaana tani ay kusoo aadeysa xili madaxweynaha maamulka putland saciid cabdulahi dani uu dalka ka maqanyahay islamarkaasna uu shaqada maamulka uu kala wado nmadaxweyne ku xigeenka puntland axmed cilmi cismaan karaash

