Ana Sayfa Wararka Japan oo Sanad Ku Kordhisay Howlgalka La Dagaalanka Burcad Badeedda

Japan oo Sanad Ku Kordhisay Howlgalka La Dagaalanka Burcad Badeedda

0
Japan oo Sanad Ku Kordhisay Howlgalka La Dagaalanka Burcad Badeedda

Dowladda Japan ayaa go’aansatay inay sanad dheeraad ah ku kordhiso howlgalka la dagaalanka burcad badeedda ee ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya.

Japan ayaa geysay diyaaradaha wax burburiya iyo kuwa ilaalada si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ee aaga ku saleysan sharciga ladagaalanka burcad badeeda tan iyo sanadkii 2009Kii.

Howlgalka hada socda ayaa la qorsheeyay in uu dhaco maalinta Khamiista todobaadka soo socda.

Go’aanka lagu kordhiyay howlgalka ayaa yimid shirkii Golaha Wasiirada Talaadadii. Dawladdu waxay kaloo go’aansatay inay kordhiso tirada shaqaalaha kaqeyb galaya howlgalka xoojinta wixii saameyn ah ee ka imaan kara faafidda cudurka coronavirus.

Dhanka kale, dowladda ayaa sidoo kale go’aansatay inay sanad dheeraad ah u kordhiso kaqeybgalka shaqaalaha ee howlgalka nabad ilaalinta caalamiga ah ee Sinai Peninsula ee Masar.

Howlgalka GSDF ayaa lagu wadaa inuu dhacayo dhamaadka bishan.

Dowladda Japan ayaa kamid ah wadamada Ciidamadda ay ka joogaan xeebaha Soomaliya kuwaasi, oo dagaal la gala Burcad badeeda Soomaalida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here