Raiisul wasaaraha xakuumada faderaalka Somalia ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimada ah ee muqdisho kuwaasi oo ay fariisteen biyaha roobka islamarkaasna laga saarayay biyaha xiray
Raiisul wasaaraha xukuumada faderalaka somalaia kormeerkiisa waxaa ku wehlinayay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir waxaana ay indha indheyn ku sameeyeen goobaha ay biyaha roobku fariisteen
Raiisul wasaraha xukuumada faderaalka Somalia maxamed xuseen rooble ayaa Waxaan uu sheegay in uu u kuur galay dadaallada biyaha looga dhurayo jidadka ay biyaha roobku xireen.
Waxaan bulshadeenna ugu baaqayaa in la caawiyo dadka waxyeelloobay gaar ahaan danyarta & Barakacayaasha
Waxaana booqashada raiisul wasaarha kadib la magacaabay gudi kashaqeynaya sii biyaha looga saarilaha wadooyinka muhiimka ee byuhu xireen kuwaasi oo intabadan halbooli u ah isku socodka dadka iyo gaadiidk magaalada caasimada ah ee muqdisho
Kormeerka raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka ah ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili maalmihi dambe uu roobka deyrta ka da’ayay magaalada caasimada ah ee muqdisho
Waxaana uu raiisul wsaaraha xukuumada faderaalka Somalia amar ku bixiayay in sida ugu dhaqsiayaha badan loogu howlgalo gurmadka dadka biyaha roobku saameeyeen iyo wadooyinka biyhu xireen in laga saaro biayaha

