Ciidamo Horleh Oo Ka Tirsan Amisom Oo La Keenay Magaalada Muqdisho

0

AMISOM ayaa sheegtay in ciidan cusub oo boolis ah kuwaas oo ka yimi dalka Ghana ay Muqdisho soo gaareen.

Ciidankan oo qeyb ka ah booliska AMISOM ayaa waxaa la geyn doonaa magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka ayaa waxay qeyb ka qaadan doonaan sugidda amaanka doorashada Soomaaliya, iyaga oo ka barbar shaqeyn doona ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dowladda somaliya ayaa horey u sheegtay in ciidamada amisom qeyb qeyblooga saarayo Somalia isla markasna ciidamada somaliya lagu aaminayo sugida amaanka dalka

Madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka Somalia ayaan xili doorashadiisa balan qaaday in uu saarayo ciimada amisom ee jooga gudaha Somalia iyadoona la dhimay qaar ka mid ah ciimadamada amisom

Waxaana tani ay kusoo aadeysa xilli haatan uu dalku galay xaalad kala guur ah oo dalku uu gay marxaladaha doorashooyinka  iyadoona ay u muuqto in ciiidamada cusub ee amisom ay ka qeyb qaadan dooonaan sugida amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here