Liiska Xildhibaanada Cusub Ee Barlamaanka Hirshabeele Oo Lagu Dhawaaqay iyo Kulan ay Maanta Yeelanayaan

0

Guddiga farsamada ee maamul udhisa hirshabeele ayaa shaaciyay warqad ay ku qoranyihiin liiska xidhibaanada cusub ee barlamaanka maamulka hirshabeele kuwaasi oo ka koobnaa ila iyo 90 xubnod

Xildhibaanada cusub ee mamulka hirshabeele ayaa ku dhawaaqistooda kadib waxa lafilayaa in ay soo doortaan gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka barlamaanka hirshabeele iyo sidookale madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeele

Liiska xidhibaanada  lasoo saaray ee hirshabaleele waxa kasoo muqday oo kaliya 6 haween ah taasi oo ka dhegeysa in ay aad u yaryihiin qoondada haweenka ee barlamaanka mamulka hirshabeele

Waxaana barlamaanka  hirshabeele ee lagu dhawaaqay ay kusoo aadayaan  xili mudooyinkii dambe uu khilaaf xoogan ka dhextaagnaa maamulka hirshabeele ee waqtigoodu dhamaaday

Khilaafkaasi oo salkuhayay cidda maamuleysa  doorashada ka dhaceysa degaanada mamulka hirshabeelle iyadoo taasi ay keentay in maamulku uu laba dhinac uu ukala jabay

Waxaa kaloo jirta in liiska xidhibaanada cusub ee barlamaanka hirshabeelle uu san ku jirin gudoomiyaha barlamaanka hirshabeelle cusman bare aadan oo ay madaxweynaha hirshabeele ay isku maan dhaafsanaayeen doorashada cidda maamuleysa

Sikastaba hatee xildhibaana cusub ee barlamaanka labaad ee hirshabeele ayaa maanta yeelanaya kulankkdi koowad kaasi oo ay kuyeelanayaan magaalada jowhar ee caasimada mamulka hirshabeele

Waxaana durbadiiba soo ifbaxaysa  in la dhaliilsan yahay qaabka loogu dhawaaqay xildhiabaanada cusub ee barlamaanka maamulka hirshabeele kuwaasi oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqan maamulka hirshabeele

Iyadoon ay xusid mudantahay in guddigu farsadamada maamul udhisida hershabeele uu horay sheegay in uusan qilaaf jirin wax qilaaf ah islamarkaasna ay  xalindoono waxyabaha yar yar ee jira

Halkan Hoose Ka Akhriso :- Magacyada Liiska

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here