Beesha Caalamka Oo Dowladda Somalia Ugu Baaqday In ay Adkeyso Wada Shaqeynta Kala Dhexeysa M/Goboleedyada

0

Xilli ay soo dhaweeyeen doorkii iyo gacantii uu ka  geystay Madaxweynaha Galmudug in Soomaaliya u jideysato doorashooyin ayey wakiilada qaar ka mid ah saaxiibada muhuumka ah ee dalka ku baaqeen maanta in wadashaqeyntii dhawaan dhexmartay hoggaamiyeyasha ee keentay heshiiskii doorashada qaranka kor loo sii qaado.

“Waxaan rabaa in aniga oo u hadlaya kooxdeena aan wax ka iraahdo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hoggaamintii uu ku martigaliyey shirarkii taxanaha ahaa ee Dhuusamareeb ka dhacay bilihii Luulyo iyo Agoosto ee horseeday shirarkii wadatashigae ee bishii hore ka dhacay Muqdisho kaas oo heshiis looga gaaray nimdaaka doorashada,” waxaa sidaas yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Qaramada Midoobayu qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan wadashaqeynta xagaagan iyada oo loo diyaar garoobayo doorashooyinka qaranka si loo adkeeyo in ay noqdaan kuwo daahfuran, xalaal ah, loona dhannyahay,” ayuu hadalkiisa ku daray, xillii ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabanayeen Madaxweyne Kaariye kaddib kulan uu isaga iyo wakiilada ka socday beesha caalamka kula yeeshay Caasimadda Galmudug.

Ergeyga gaarka ah waxa uu u hadlayey QM, Ergeyga Gaarka ah ee  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, , ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub u qaabilsan  Soomaaliya, Nicole Miller; iyo Jamal Ahmed Ibrahim oo ka socday Urur Gobolleedka IGAD.

Booqashadan Maamul Gobolleedkan waa tii labaad ee bishan ay ku yimaadaan afarta hay’adood ee caalamiga ah kaddib booqasho ay ku tageen Maamul Gobolleedka Koonfur Gabeed laba toddobaad kahor.

Marka laga yimaado in uu koobnaa kulamada tooska ah dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababo la xiriira ka jawaabiidda xanuunka safmarka ah ee COVID-19 saaxiibada caalamka waxa ay xiriir dhaw la lahaayeen Madaxweyne Kaariye iyo maamulka Galmudug iyaga oo isticmaalayey kulamada fogaan araga ah. Sidoo kale waxa ay caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmeen hoggaamiyaha Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here