Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa eedeen culus u jeediyay Maamul Goboleedyadda dalka ka jira,
Qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshadda ayay ku sheegtay in Maamul Goboleedyadda ay xaqireen Kaalintii Haweeneka ay ku lahaayeen Guddiyadda ay soo magacaabeen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo xukuumadiisu ay u xil saaran tahay howlaha doorashooyinka ayey ka dalbadatay inuu wax ka qabto arrintaas .
“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha” ayey qoraalkeeda ku tiri Xaliima Yarey.

