Xuseen maxmuud Oo nin Waayeel ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Wararka aan ka heyno xaafado ka tirsan dagmada deyniile ee gobolka banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay nin waayeel ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka dil loogu geystay xaafada kur damac ee degmada mada dayniile

wararka ayaa waxa ay intaasi kudarayaan in ninkan waayeelka ah ay kooxa dhaliyaro ah oo bastoolada ku hubeysan ay rasas oo oda kaga rogeen ninkaasi odaga aha oo la sheegay in si aad ah looga garanayay degmada deyniie

waxaana sidookale la sheegay in ninkan oday ah uu isla goobta ku geeriyooday kadib markii ay rasastu ka haleeyshay dhanka sare ee jirkiisa

wararkan aan heynao ayaa waxa ay sheegayaan in dilkaan uu dhacay xili hore oo fiidkii ah islamarkaasna wax ay wararku sheegayaan in ninkaan waayeelka ah oo magaciisa  lagu sheegay  xuseen maxamuud sandheere

ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaana kuwa booliska degmada deyniile ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay waxaana ay halkaasi kabilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi loogeystay ninka waayeelka ah

majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada dilka loogeysay nin odayga ah sidookale lama sheegin cid loosoo qabtay dilkiisa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here