Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya iyo mid kamid ahaa Ergadii doorashadda oo lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Rag hubaysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ku dilay nin lagu magacaabi jiray Max’med Aadan Sagaaroow oo kamid ahaa Ergadii wax kasoo dhisay maamulka Koonfur galbeed.
Weerar kale oo ka dhacay degmada Wadajir ayay dagaalyahanno hubaysan ku dileen sarkaal katirsanaa sirdoonka dowladda Federaalka qeybta loo yaqaan PS-ta.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Max’med Isxaaq ayaa caan ka ahaa xaafadaha degmada Wadajir.
Mas’uuliyadda weeraradaan dilalka ah waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Xarakadda Al-shabaab.

