Ciidamadda Ethopia oo Askar Loogu Dilay Degmadda Diinsoor, Gobolka Baay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Ethopia iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaano ka Tirsan Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jira.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii qaraxyo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamadda AMISOM oo halkaas marayay.

Warbaahinta  Al-shabaab ayaa lagu baahiyay  in weerarka lagu dilay ilaa 6-skari oo ka tirsanaa Ciidamadda Ethopia,kuwa kalana dhaawacyo ay soo gaareen.

Laba diyaaradood oo nuuca qumaatiga ukaca ah oo ka yimid dhanka Baydhabo ayaa lagu daabulay dhaawacyadda Ciidamadda Ethopia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay, dhanka AMISOM oo loogu hadlaayo dagaalka iyo qaraxyadda ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here