Mareykanka oo Lacago Ka Dalbaday Suudaan Si Loogu Saaro Liiska Argagaxisada ah

0
President Donald Trump speaks at a news conference in the James Brady Press Briefing Room at the White House, Monday, Aug. 31, 2020, in Washington. (AP Photo/Andrew Harnik)

Madaxweynaha dalka mareekanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in dalka suudaan laga saarayo liiska dalalka taageero argagaxisada, waa haddii ay bixiso magdhaw ah  $335 milyan oo doolar.

Raysal wasaaraha suudaan Abdalla Hamdok ayaa ka jabaabay warka ka soo yeeray madaxweynaha mareekanka Donald Trump –isagoona sheegay in lacagtaasi ay direen laakiin wali majirto xaqiijinta dhanka Washington ee la xarriirto arrinkaas .

Dalka suudaan ayaa lagu daray liiska argagaxisada mareekanka uu u aqoonsanyahay tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 1993-ii xili uu hugaamiyihii hore ee Al-Qaeda dalasi uu ku noolaa isagoo la doondoonayay.

Lacagtaan magdhawga ah waxa ay la xarriirtaaa weerarkii kooxda Al-Qaeda ay ku weerartay  safaaradaha mareekanka uu ku leeyihiin gudaha Africa.

Weeraradii lagu qaaday safaaradaha mareeknaka uu ku leeyahay dalalka Tanzania iyo Kenya ayaa waxa lagu dilay dad gaaraya 220 ruux  markaa lacagta magwhawga waa inlasiiyaa qoysaska iyo dhibaneyaasha ee mareekanka ah, trump ayaaa sidaas yirri.

Xarriirka u dhexeeya Mareekanka iyo Sudan ayaa sidii hore kasoo wanaagsanaaday tan iyo waxii ka dambeeyay afgambigii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee sudan Cumar Al-bashiir, kaas oo xukumayay dalkaasi muddo 30 sano ah.

Kasaaris dalka suudaan liiska madow ayaa waxa uu dalkaas unoqon doonaa war wanaagsan, halkaas oo cunada , shidaalka iyo daawa ay aad qaali uga yihiin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here