Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan kuwa burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo dad shacab ahaa ku dilay Deegaanka Buurane oo qiyaastii 3KM dhanka galbeed uga beegan degmada Mahadaay.
Falkaan ayaa yimid kadib markii ciidamadda AMISOM Qarax dhulka la galiyay lagula eegtay deegaanka Buurane.
Qaraxa kadib ciidamadda AMISOM ayaa furey rasaas fara badan,taasi oo dhalisay dhimashada hal ruux oo shacab ahaa.
Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa galay guri ku yaala deegaankaas,waxayna dileen haweeney korsanaysay carruur agoon ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Howgalka AMISOM oo Loogu hadlaayo falkaan ka dhacay Deegaanka Buurane.

