Wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay wiil dhalinyara ah lagu dilay gudaha xaafada israac ee magaalada galkacyo
Kooxa hubeysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan In wiilka dhalinyarada ah ay ku dileen masjid ku yaala xaafada israac ee magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug
Wiilkan dhalinyarada ah ee ladilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay siicid jaamac maxamed iyadoona la sheegay in uu ahaa darawalka ka xeeya mooto bajaajta islamarkaasna can ka ahaa magaalada gaalkacyo
Waxaana la sheegay in kooxdii dishay wiilkan dhalinyarada aha ay goobta iskaga baxsadeen dilka kadib.
Lama og sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka dhaliayarada ah loogu geeystay magaalada gaalkaco
Sidookalana majirto cid sheegatay masuuliyda dilka xalay wiilka dhalinyada ah loogu geeystay magaalada gaalkacyo gaar ahaana xaafada israac
Ciidamada booliska magaalada galkacyo ayaa baarino la sheegay in ay kabilaabeen xaafada israac taasi oo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loogeestay siiciid jaamac maxamed kaasi oo ahaa wiil dhaliyara ah islamarkaas si aad ah looga yaqaanay magaalada galkacyo

