Tigreega oo amar ku bixiyey dhammaan xubnaha ku matala dowladda dhexe iney iscasilaan

0

Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ee TPLF ayaa xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka ku amray dhammaantood iney iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowladda dhexe.

Getachew Reda oo ah xubin ka mid ah guddiga fulinta xibiga TPLF oo BBC u warramay wuxuu sheegay mudda xileedka baarlamaanka dalkai Itoobiya loo doortay inuu ku ekaa maalinti shalay, dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay intaba muddo xileedkooda uu ahaa shan sana oo keli ah uuna dhammaaday.

“Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha laada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin” ayuu yiri.

“Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri.

Maalinti shalay ahayd labada gole waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa.

Kulanka labada gole ay yeesheen oo ka qabsoomay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waxaa khudabadda furitaanka oo ku qotonto jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan hadda u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here