Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaaalamay Degmadda Baardheere

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo xalay ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday Saldhigga Degmadda Baandheere,iyo xarunta Degmadda,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday madaama dagaalka la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab isla markaana uu dhacay dagaal muddo kooban socday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here