Madaxda Dowladda Oo Looga Digay Faragalin Shisheeye Xiliga Doorashada

0

Dhawaan madaxda dowladda faderaalka ah iyo dowladag goboleedyada dalka ayaa ku heshiiyay nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa

Waxaana durbdiiba lasoo saaray jawalka iyo sida uu noqonayo waqiga doorashada ay dhacayso taasi oo laga dheehan karay in doorashadu ay waqtigii dowladu horay u balanqaaday ay ku dhaceeyso wax muddo korarsi ahna uu san jirin

Iyadoon tani ay qeyb ka aheyd balanqaadyadii dowlada ee ahaa in doorashadu ay waqtigeeda ku qabsoomayso

Balse iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa siyaasiyiinta qaar ee dalka waxa ay dowlada ku dhaleecaynayaan in balanqaadyo badan dowladu ay sameesay in aysan qaban

Maxamed jaamac furux oo ah xildhiiban hore oo dalka islamarkaasna si aad ah ufalanqeeya siyaasada ayaa aaminsan in dowladda uu hogaamiyo maxamed cabdulaahi farmaajo ay ku guuldareysatay balan qaadyo badan oo ay sameysay

Oo ay qeybkatahay in ay dalka gaarsiinayso doorasho qof iyo cod ah

Xildhibaanka ayaana ku nuux nuuxsaday in aan lasoo koobi Karin waxyaabaha ay dowladu balanqaaday wax laga qabtayna aysan jirin

Dhankale xidhibaan madaxmed jamac furux ayaa dowladda faderaalka ah uga uga digay in ay ka digtoonaato faragalin shisheeye inta aysocoto doorashadu

Waxaana uu tilmaamay in ayjiran dad aysoo adeegsanayaan dowladaha shisheeye si ay faragalin ugu sameeyaan doorashada balse waxa uu sheeegay in loo baahanayahay in laga feejignaado

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here