Dowladda faderaalka ah Somalia ayaa waxa la sheegay in xalay waddoyinka qaar ee magaalada muqisho ay ka qaaday dhagxaan ku xirna wadooyinka taasi oo dhibaatooyin badan oo kala duwan ay ku qabeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee muqdisho
Waddoyinka qaar ee dhagxaanta ay dowladdu ka qaaday waxaana ka mid ah wadadda sheikh cali suufi,i tarabuunka iyo isgooska dan wadaagta iyo digfeer
Waddoyinkaan ay ku xirnaayeen dhagxaantu ayaa waxay dowladdu ay iyadu ugu xirtay dhagxanata sababo amni
Waxaana jira wadooyin waaweyn oo walli ay dhagxaan ku go,antahay sababo amni darteen
Sidookale wararka ayaa waxay ay sheegayaan in dowladdu haatan ay wado qoshayaal dhagxaanata looga qaadayo dhamaan waddoyinka caasimada
Si shacabka somaliyeed ay uga yaraad culeysyada ay ku qabeen xirnaanshaha wadooyinka
Dhagxaantaan laga qaaday waddoyinka qaar magaalada muqdisho ayaa waxa ay imaanaya xilli taliyaha ciidanka booliska xijaar uu horay u sheegay in waddoyinka muqdisho ay sii xirnanaayaan tan iyo inta laga xaqiiijinayo amaanka caasimada




