Rasal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo madaxweynaha midowga Uyub Ursula ayaa waxa ay ku wada hadli doonaan video call-ka ee internet-ka ka dib markii ay guuldaraysteen wada hadaladii la xarriiray heshiiska ganacsiga ka hor Ingiriiska intaanu ka bixin Midowga yurub.
Labada dhinac waxa ay ku baaqayaan in dhinaca kale uu u tanaasulo arrimaha muhiimka ah, kaluumeysiga iyo taageeraha dhaqaaale.
Mr. Johnson ayaa waxa the Daily Graph uu u sheegay fursadaha heshiiska ‘’ aad bay u wanaagsan yihiin’’ hadii uu qof walba uu isticmaalo damiirkiisa.’’
Sido kale Boris waxa uu ‘’in ku niyad wanaagsan yahay’’ hanaanka xarriirka Canada.
Arrinkaan ayaa waxa uu imaanayaa ka dib markii Ursula ay ku baaqaday wada hadalada in la sii xoojiyo, iyadoo laba dhinac ay ku balansan yihiin waqtiga ka madambeysta ah ee bishiin October in ay xal ka aaraan kala aragti duwanaan shiyaha u dhexeeya labada dhic.
Ka dib wada hadalo muddo 6 bil u socday Midowga Yurub iyo Ingiriiska, garyaqaan sare ee Ingiriiska u qaabilsan wada hadalka Lord Frost ayaa sheegaya warbinada heshiiska in ay yihiin kuwa muuqda.
Laakiin waxa uu ka digay hadii Midowga Yurub uusan sameeyn tanaasul dheeri ah in kala aragti duwanaanshaha ka jira heshiiska dhanka kaluumeysiga ah uu noqon karo mid aan macquul ahayn.

