Irina Slavina oo ah Haweeneey tafatire ka ahayd Russian News ayaa dhimatay ka dib markii ay dab isku qabadsiisay dibada hore ee xafiiska wasiirka arrimaha dibada ee Ruusha oo ku yaala magaalada Nizhiy Novgorod.
Irina ayaa horay barteeda facebooga ugu soo qortay ‘’ waxaan idinka codsanayaa in dowlada Ruushka aad ku eedeeysaan dhimashadeyda’’.
Slavina ayaa qamiistii sheegtay in booliiska ay ka goobayeen barteeda flat lookin-ka xogo la xarriira kooxda taageerta demuquraadiyada oo ka dhisan Ruuska. Kumbuutarada iyo macluumaadkaba gacanta ayaa lagu dhigay.
Waxaa soo ifbaxay muuqaal si cad u muujinayo xiliga ay dabka iskugu dhajineysay kursi yaalay wada Gorky dhinaceeda, halkaas oo ah meesha uu ku yaalo wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka.
Muuqaalka ayaa waxa lagu dhex arkayay nin haweeneyda dhankeed u soo cararya si uu uga damiyo dabka, iyadoona ninkagadaal iskaga tuuraysay xili uu iskudayayay in uu dabka kaga damiyo jaakadiisa, ka hor in aysan dhulka ku dhicin.
Gudiga dambi baarista ee Ruushka ayaa xaqiijiyay in Irina Slavina, oo ka tagtay labo caruur ah iyo siyigeeda, in ay dhimatay laakiin waxa ay beeniyeen in baaritaankooda uu la xarriiro journalist flat ama bar uu saxafiga so dhigo muuqaalo.
Waxa ay ka mid ahayd 7 ruux oo ku sugnaa magaalada Nizhniy Novgorod kuwaas oo guryahooda la baaray maalintii qamiista taas oo qayb ka ahayd su’aalo weydiin la xariirto barnaamijka la yiraadho Open Russia oo ah fagaare dadka ay isku afkaar weedaarsadaan.
Sandkii la soo dhaafay , irina waxaa loo ganaaxay in ay maqaal xushmad darro ah ay ka qortay masuuliin ka tirsan dowlada Ruushka.

