Dab Qasaare Xoogan Geeystay Oo Ka Kacay Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka ka imanayanaya magaalada dhuusamreeb ee caasimada maamulka galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dab xoogan uu qabsaday goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha magaalada dhuusamareeb.

Sida wararku ay sheegayaan dabkan  ayaa waxa la sheegay in uu ka kacay kaalin shidaal islamarkaasna uu ku fiday goobo udhawaa kaalinta shidaal ee uu dabku ka kacay

Ila wareedyo kusugan magalada dhuusamreeb ayaa waxa ay sheegeen in dabkaan uu aahaa mid qasaaro hantiyadeed geeystay aysana jirin wax qasare nafeed oo uu geeystay

Waxaana ay intaasi kudareen in ay dadka deegaanka oo is abaabulay ay wadaan dadaalo ay ku  daminayaan dabkaan qabsaday kaalin shidaalka lagu iibiyo uu kutaal magaalada dhuusamareeb

Dabkaan waxyaabaha sii kordhiyay oo looga gaariwaayay ayaa waxa lagu sheegay in wax dabdamis ah uu san ka jirin magaalada dhuusamareeb taasi oo keentay in uu xumaado  dadaalada lagu tacaalayo in la daminayo dabkaasi.

Dababka inta badan ka kaca deegaanada maamulka galmudug  ayaa waxa lagu edeeyaa  dabdamis la.aanta ka jirta magaalada waxaana dhowr  jeer hore sidaan oo kale ay dabab qabsadeen kaalimo shidaal oo ku yaal magaalada dhuusamareeb

muuqaalo laga soo duubay goobta ganacsi ee uu dabku qabsaday ayaa mujinayay dabka oo sii xoogaysanaya isamarkaasna kusii fidayay goobo ka agdhaw halka uu dabku ka kacay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here