Armenia oo Turkiga ku eedeysay in uu diyaarad dagaal ka soo riday

0

Armenia ayaa waxaay sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka ay soo riday diyaarad dagaal oo  uu leedayahay Turkiga

Wasiirka arrimaha dibada ee Armania ayaa waxa uu sheegay in uu dhintay baylotkii waday diyaarad ay sameeyeen ururkii  Soviet oo magaceedu yahay SU-25 ka dib markii diyaaradaasi ay gantaal ku dhufatay diyaarad ay leedahay Turkiga oo ah F-16.

Turkiga oo la sheegay in uu Azerbajan ka taageerayo dagaalka, ayaa beeniyay sheegashadaasi.

Ku dhawaad 100 ruux ay ka mid yihiin dad shacab ah ayaa waxa ay ku dhinteen dagaalka ka socdo gobalka ay la isku hayaan Azerbaijaan iyo Armenia ee Nagorno-Karabakh.

Gobalkaan ayaa caalamka waxa uu u aqoonsan yahay in uu yahay qayb ka mid Azerbaijan, laakiin waxaa xukumayay qoomiyad Armeniyiin ah tan iyo waxii ka dambeeyay dagaalkii  1988 ilaa iyo 1994-tii ee  dhexmaray labadan dal oo xubno horey uga ahaa ururkii Soviet

Dagaalkaan ayaa 3 maalmood ka hor ka bilaawday gobalka Nagorno-Karabakh waxa uuna hadda u muuqdaa inuu kiisii balaarnayo,  Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxa uu dalba dalka kale ku eedeeyay inuu sitoos ah usoo weraray dhulkiisa.  Sido kalena waxa ay isku eedeeyeen in  dalba dalka kale uu bilaaway dagaalka.

halka Turkiga uu sicad u sheegay inuu Azerbaijan ka taareerayo dagaalka, laakiin Ruushka ayaa waxa uu  xiro military ku leyahay  Armenia, sido kalena xarriir saaxiibtinimo kala dhexeeyo Azerbaijan ayaa ku baaqay in si deg deg ah xabjoojin loo sameeyo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here