Raisul wasaaraha uu magaabay madaxweynaha JFS ayaa fariintiisi ugu horeysay la wadaagay bulshada isagoona uga mahadceliyay madaxweyne farmajo oo kalsooni uu ka helay
Raisul wsaaraha magacaaban maxamed xuseen rooble ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka cod saday in codka kalsonida siiyaan
Waxaana uu sheeegay in uu aqbalay kalsoonidii madaxweynaha jamhuriyada faderalka uun ugu magacaabay xilka raisul wasaaraha xukuumada faderalka somalia
“ Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim,
Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu
Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.
Raisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa waxa horyaala caqabada dhowr ah iyo shaqooyin horay usocdsiin ubaahan kuwaasi oo ay ka mid arimaha doorashoyinka dalka ee lagu heshiiyay iyo arimo kale
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso

