Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Ayaa xalay Hoygiisa Ku Qaabilay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaledyada Koonfur-Galbeed Soomaliya Iyo HIRSHABEELLE Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen Iyo Mudane Maxamed Cabdi Waare
Gudoomiye mursal iyo madaxweynayaasha hirshabeele iyo koonfur galbeed ayaa waxa la sheegay in kulankooda ay uga xaalada kala guurka ee uu haatan dalku kujiro gaar ahaana Arimaha Siyaasadda Iyo Doorashooyinka dalka la filayo in ay ka qabsoomaan
Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman kulanka uu la qaatay madaxweynayaasha dowlad gobleedyada hirshabeele iyo koonfur galbeed ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoo horay gudoomiyaha golaha shacabku uu usheegay in doorashoyinka dalka aysan go,aan ka gaari Karin maamul goboleedyada dalka.
Waxaana sidookle kulankan uu imaanayaa Xili wali uu soconayo shirka madaxda dowlada dhexe iyo hogaamiyaasha doolad goboleedyada kaasi oo maalintii afaraad ka socda muqdisho
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadanayay masuuliyiinta ugu sarsareysa dalka.



