Booliska oo Sheegay in Lasoo Qabtay Wiil Lagu Tuhmaayo Kiiskii Xamdi

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid kamid ah ragii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed Faarax kaasi oo baxsada ahaa.

Howlgal ay fuliyeen Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed qeybtooda Magaaladda Cadaado ayaa lagu soo qabtay ninkaan la tuhunsan yahay.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen oo qoraal soo dhigtay Barteeda xariirka bulshadda ayay ku xaqiijisay qabashadda Wiilka dhalinyaradda ah.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.

Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here