Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Wajahan Beydhabo Iyo Shir Xasaasi Ah Oo Ka Furmaya Halkaasi

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka galmudug Axmed Abdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta ku wajahan magaalada beydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka koonfur galbeed Somalia.

Madaxweynaha dowlad goboledka galmudug ayaa magalada beydhabo uga qeyb galaya shir sadax geesood ah oo ay wada yeelanayaa madaxweynayaasha maamulada Hirshabeele,koonfur galbeed iyo galmudug

Horay waxaa shalay magaalada beeydhabo ugaaray madaxweynaha maamulka hirshabeele maxamed cabdi waare kaasi oo sweyn halkaasi loogu soodhaweyay

Madaxweynaha mamulka hirshabeele iyo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo siwada jir ah warbaahinta ulahadlay ayaa  ka warbixiyay wax yaabaha uu daaranyahay  shirka ay ku yeelanayaan magaalada beydhabo.

Waxaana madaxweynayaashu ayaa tilmaameen in shirkani uu ku saabsanaa sii ay uga wada tashan lahaayeen  arimaha siyaasadeed ee dalka iyo sii xoojinta qodobadii ka soo baxay shirkii magaaalada dhuusamareeb iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen  arimaha sugida amniga iyo dhaqaalaha iyo ka wada tashiga arimaha doorashooyinka qaranka.

Sidookale Xalay ayaa waxa la sheegay in madaxweynayaasha maamulada hirshabeele iyo koonfur galbeed in ay qaateen kulamo hordhac u ahaa shirka la filayo in uu ka furmo magaalada beydhabo.

Shirkaan ay wada yeelanayaan madaxweynayaasha  dowlad goboledyada Hirshabeele,koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa socondoona muddo hal maalin ah iyadoo lifilayo in intaasi kadib ay ka qeyb galaan shirka ka furmaya magaalada muqdisho ee ay wada yeelanayaan madaxweynaha JFS iyo madaxda dowlad goboledyada dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here