Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.
Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyey dilka.
Salaaddii cishaha kadib ayaa kooxo hubaysan waxay xaafadda Calanley ku dhaawaceen ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi, ganacsadaha ayaa daqiiqado kadib u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka.

