Dagaalyahanada Kurdiyiinta oo Isaga Baxay Magaalooyinka Kamid ah Waqooyiga Siiriya.

0

Dagaalyahanadda kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga dalka  siiriya ayaa isaga baxay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee waqooyiga dalka siiriya iyagoo tilmaamay iney dhaqan galinayaan hishiiski xabad joojinta ee dhexmaray dagaalayahanada kurdiyiinta iyo millitariga dalka turkiga.

Afahayeen u hadlay dagaalyahanada kurdiyiinta ayaa xaqiijiyay in dagaalayanahada kurdiyiinta ay kabaxeen magaaalada raas Al ceeyn oo ah magaalo istaraatiiji u ah waqooyiga dalka siiriya afhayeenka waxa uu intaasi kudaray in dagaalayahanada kurdiyiinta inta badan ay isaga baxeen magaalooyinka waaween ee waqooyiga dalka siiriya.

Dhinaca kale afhayeen uhadlay wasaarada gaashaandhiga dowladda dalka turkiga ayaa warbaahinta usheegay in boqolkiiba soddon ay welj joogaan dagaalayahanada kurdiyiinta dhinaca xuduuda wadama turkiga iyo siiriya islamarkaana  loo baahanyahay in dagaalayahanada kurdiyiinta ay isaga baxaan goobaha la doonayo in laga dhigo Aaga nabdoon si halkaasi loogu soo celiyo malaayiin qaxooti suuriyaan ah kuwaasi oo kusugan qeybo badan oo kamid ah dalka turkiga.

Si kastaba ha,ahaatee ka bixitaanka dagaalayahanada kurdiyiinta ee waqooyiga siiriya ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan hishiis xabad joojin ah uu dhexmaray millitariga turkiga iyo sidoo kale dagaalyahanada kurdiyiinta kadib booqasho uu kutagay dalka turkiga madaxweyne kuxigeenka dalka mareykanka mike pence.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here