Taliyihii hogaaminayay Howlgalkii Shabaab Loogu Saaray Awdheegle oo Dowladda Dishay

0

Ciidamada Ilaaladda  Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho balse haatan loo bixiyay Maa’ida Hotel ayaa caawa dilay Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan iyo ilaaladiisa xili uu gaari la socday.

Gaariga uu la socday taliyaha ayaa waxaa ka shakiyay Ilaaladda hoteelka,waxayna ku fureen taasi oo keentay dhimashadda Taliyaha iyo Ilaaladisia.

Gaariga uu saarnaa Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Baar shabeelle, waxaana wadadaas ay tahay wado hal jiho,taasi oo keentay in ciidamadda ay ka shakiyaan rasaasna ku furaan.

Ala ha u Naxariistee Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Waxa uu hoggaaminayay dhawaanahaan howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,oo shabaab ay ku sugnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here