ICJ oo Dib u Dhigtay kiiska Badda Kenya iyo Somaliya iyo DFS oo Soo Dhaweysay

0

Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah ka soo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ).

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi maxamed guuleed khaddar oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.

“Dowladda Federaalka Somaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here