Mas’uuliyiintii hore ee Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federalka Soomaaliya.
Xubnaha Maxakamadda la horgeeyay ayaa kala ah C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahin Mahad Alle oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Degmadaasi.
Mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa eedeymo ku aadan Qarax uu ku dhintay Gudoomiye Ku xigeenkii arrimaha amniga iyo Siyaasadda Degmada Maxaas,waxayna ku xirnaayeen mudooyinkii dambe Magaaladda muqdisho.

