Al-shabaab oo Sheegay in 3-kamid ahaa Sirdoonka DFS Ku Dileen Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda 3-askari oo xalay lagu dilay Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in 3-da askari oo ahaa kuwa Dharka Cadka xalay lagu dilay Xaafadda Baar Degmadda Waabari.

Sidoo kale warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in xubnaha la dilay laga furtay 3-bastooladd ay wateen.

“Al-shabaab ayaa Seddex ka Tirsan Sirdoonka Dowladda qeybta dharcadka loo yaqaan ku dilay degmada Waaberi bastooladihii ay wateenna waa ka qaniimeysteen Alle ayaa ku mahadsan Shabaab usuurta geliyay howlgalkan guulaystay” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here