Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo Duhurnimadii maanta ka dhacay Deegaanka Jaziira ee Duleedka magaaladda muqdisho.
Qaraxaan ayaa haleelay gaari Cabdilaha ah ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Alpha Group ee Mareykanka Tababaray.
Gaariga qaraxa lagu beegsaday ayaa ka yimid deegaanka Lambar50 ee Shabeellaha Hoose wuxuuna kusoo jeeday dhanka magaaladda Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen dhowr sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamadda Alpha Group.
Saraakiisha qaraxa ku dhintay ayaa kala ah Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo Sharmaarke.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Shabaab.

