Dowladda Kenya oo Wafdi Usoo Direysa Caleema-saarka Axmed Madoobe

0

Dowladda Kenya ayaa wafdi usoo direysa Caleema-saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe), kaasi oo ka dhacaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda kmg ah ee Maamulka Jubbaland.

Wafdiga Dowlada Kenya waxaa hogaaminaya Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,waxaana qorshahooda uu yahay in ay kasoo baxayaan Nairobi iyagoo tagaya magaaladda Kismaayo.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan in xayiraad la saaro wafdiga Dowladda Kenya ay usoo direyso Magaaladda Kismaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mamnuucday duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda magaaladda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here