Ciidamadda Police-ka Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay doon doonayaan Cabdiwaaxid Khaliif oo loo yaqaan dhanka Xarakadda Alshabaab Ciise Tarabuun.
Ciidanka Policeka Kenya ayaa Twitterka ku soo qoray in 24 Bishan uu soo galay Dalka Kenya Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Dowladda gacanta ugu Jirey markii ugu dambeysay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilli sii horeysay sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen Cabdiwaaxid Khaliifa oo ku magac dheer (Ciise Tarabuun).
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale Islow, ayaa shir Jaraa’id ku sheegay in Tarabuun uu ahaa Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Alshabaab, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya.