Ana Sayfa Wararka Dowladda oo sheegtay inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Dowladda oo sheegtay inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

0
Dowladda oo sheegtay inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa Dib u Fasaxday Duulimaayadii Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Aadan Isaaq Cali, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku dhawaaqay in la fasaxay duulimaadyadii rayidka ee Magaalada Kismaayo.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in iminka ka dib ay duulimaadyada Magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka,wuxuu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen markii uu codsi kaga yimid shacabka Kismaayo.

“Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda Federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.

Bishaan gudaheeda Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa muddo 3cisho ah hakisay duulimaadyadii Magaaladda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here