Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.
Digreeto ka soo baxday Madaxweyne Deni oo sumadeedu ahayd Lr. 93 September, 23, 2019 ayaa loogu magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Hoos ka Akhriso digreetada Madaxweyne Deni
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Datuurka Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.