Ana Sayfa Wararka Ethopia oo Sheegtay in Shaabab iyo Daacish ay Qorhaysanayaan Weeraro Lagu Qaado Hoteelo

Ethopia oo Sheegtay in Shaabab iyo Daacish ay Qorhaysanayaan Weeraro Lagu Qaado Hoteelo

0
Ethopia oo Sheegtay in Shaabab iyo Daacish ay Qorhaysanayaan Weeraro Lagu Qaado Hoteelo

Madaxda dowladd  Ethiopia ayaa xaqiijiyay in xubno katirsan xarakada alshabaab iyo daacishta ka dagaallanta Somalia ay qorsheeynayaan in ay weeraro ka geysstaan qeybo kamid ah  gudaha dalka Ethiopia gaar ahaan hoteellada ku yaalla dalka Ethiopia.

Hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dalka Ethiopia  warbixin ay soo saartay maalinimaddii sabtiga aheyd waxa ay ku sheegtay in la xiray tiro aan lacayimin oo kamid ah millitariga waxana xubnaha laxiray kamid ah dad lashaqeenayay hay,adda nabad sugida Ethiopia waxaana kujiray sawir qaadayaasha gaarka ah.

Waxaa lagu yiri warxbixinta kasoo baxday ha,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Ethiopia ”waxa ay isku diyaarinayeen kooxda iney weeraraan goobo kala duwan oo ay kamid yihiin hoteello goobaha ey iskugu soo baxaan dadka xafladaha la xariirara arimaha diinta iyo goobaha ay iskugu yimaadaan dadka farahabadan goobahaasi oo kuyaalla dalka Ethiopia”

Sida lagu sheegay warbixinta kasoo  baxday hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Ethiopia waxa ey xaqiijiyeen iney xireen xubno kamid ah dagaalyahannada daacishta ah ee kadagaallama qeybo kamid ah Somalia gaar ahaan gobalka bari.

Berhaan julla oo ah kuxigeenka hogaanka millitariga Ethiopia ayaa usheegay warbaahinta dowlada in askar katirsan millitariga Ethiopia ey kamid noqdeen dagaalyahanada ururka daacish iskamarkaana ey tababarro soo qaateen isagoo intaasi kudaray in ey caddeen buuxda u hayaan arinta laxariirta in askar katirsan millitariga Ethiopia ey suurta gal tahay iney kamid noqdeen dagaalyahanadda daacishta ee kadagaallama qeybo kamid ah Somalia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here

Bu site istenmeyenleri azaltmak için Akismet kullanır. Yorum verilerinizin nasıl işlendiğini öğrenin.