Ana Sayfa Wararka Amiirka Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Amiirka Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

0
Amiirka Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Amiirka Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa jeediyey kalimad la dhageysan karo muddo 20 daqiiqo ah oo cinwaankeedu yahay “Allaah wuu taam yeelayaa Nuurkiisa, taas oo uu Sheekhu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo loolanka ka dhex oloosan Xarakada iyo awoodaha Shisheeye ee ku soo duulay wadanka.

Wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka Muslimiinta ee ay heysato.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan.Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa laga rabaa Umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here

Bu site istenmeyenleri azaltmak için Akismet kullanır. Yorum verilerinizin nasıl işlendiğini öğrenin.