Xiisadahaani ka taagan G/Bari ayaa timid kadib markii ciidamada gaarka ah ee puntland oo loosoo gaabiyo PIS-ta xireen Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo kamid ah salaadiinta Gobolkaasi.
Xiisadaani ayaa timid kamid Markii Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Max’ed Waceys (Dhedo) uu amar buuxo ku bixiyey in lasoo daayo Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo ciidamada gaarka ah Puntland ay xirteen kadib Markii ay ku eedeeyeen in uu taageero la leeyahay kooxda Daacish.
Gudoomiye Yuusuf Max’ed Waceys ayaa wacad ku maray in goob fagaare ah ay kusoo bandhigi doonaan kolka baaritaanada shaqsiyaadka xogta qaldan gudbiyey gacanta lagu soo dhigo isagoona odoyaasha G/Bari kahor cadeeyey arintaasi.
Ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa howlgalo ay ku ugaarsanayaan shaqsiyaadka ay ku eedeenayaan in ay xiriir la yeelihiin Al-Shabaab iyo Daacishta ka dagaalanka deegaanada maamulkaasi.
Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Max’ed Waceys (Dhedo) ayaa is hor istaag kala kulmay Ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka waxa loogu yeero arga gixisada ee PIS-ta loosoo gaabiyo iyadoona markii dambe uu la hadlay madaxweyne ku xigeenka puntland sidaana ay ugu suura gashay in loosoo daayo Suldaan Yuusuf Axmed Saalax.
Ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa iyo Gudoomiyaha G/Bari ayaa isku khilaafsan soo bandhigidda shaqsiyaad lagu eedeeyey in ay xog qaldan u gudibiyaan ciidamadaasi iyadoona saraakiisha PIS-tu ay ka biyo diin in ay gudomiyaha Bari ay u sheegaan shaqsiyaadkaasi.

