Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Beelaha Banaadiriga oo  Maanta Ka Dhaceyso G-Banaadir+Dhageyso

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta lagu Dooranayaan xubno kamid noqonaya aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya beelaha Banaadiriga.

Kulan xalay isugu yimaadeen Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha amaanka Gobolka ayaa loogu hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka Gobolka ilaa inta la gaarayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

“Shirka halkaas la isugu yimid waxa uu ahaa shir amni waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, taliyayaasha Nabad Sugida, booliska, iyo xoogga dalka Soomaliyeed, runtii waxaa shirka lagu faaqiday sidii loo xaqiijin lahaa amniga goobaha doorashada Magaalada Muqdisho ilaa laga gaarayo doorashada Madaxweynaha Soomaliya, shacabka waxaa ku wargaliyaan in 10-ka maalin ee soo socota in hakad la galin doono howlaha isku socodka gadiidka iyo dadweynaha, shacabka dulqaad ha muujiyaan”, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir c/fitaax Xalane.

Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa horay u iclaamiyay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Doorashada ayaa ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir  halkaasoo ammaankeedu si aad ah loo adkeeyay, waxaa ku sugan ciidamo kala duwan ee dowladda Soomaliya ka Tirsan.

Xubnaha lagu dooranayo Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin la cayimay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here