Kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay Jaamacadda Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka weerarkaasi oo uu geystay muwaadin Soomaliyeed oo haysta dhalashada Wadanka Mareykanka.
Warbaahinta taageerta IS ee Amaq warar lagu baahiyay ayaa lagu tilmaamay in Cabdirisaq Cartan oo ahaa 18 jir Soomaali qaxootinimo ku galay dalka Maraykanka inuu ka mid ahaa ciidamadeeda kooxda Daacish ee daafaha dunida ka howlgala.
“Qofkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Maraykanka gobolka Ohio waxa uu ahaa askari IS, waxana uu weerarkaas jawaab u ahaa baaqyadii ururka ee ahaa in lagu bartilmaameedsado wadamadooda dalalka isbahaysatada ah,”ayay tiri Amaq.
Abdul Razak Cali Cartan oo ah Soomaliya Mareykan kaasoo ku noola dalka Mareykanka tan iyo 2007, ayaa sida sheegay dhaawacay kow iyo toban qof Isniintii kahor intaan la dilin sida booliska ay sheegeen.
Wuxuu gaariga ku dhuftay dadka lugaynayay xarunta jaamacada Columbus Gobolka Ohio State ee dalka Mareykanka isagoo jiiray qaar ka mid ah dadka ka hor inta uu ka soo baxin gaariga oo mindi ku weerarin qaar ka mid ah dadka kale sida booliska sheegeen.

