Wararka

War Deg Deg:-Cali Barqadle oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho+Sawir

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Nin ganacsde ahaa oo si weyn looga yaqaanay magaaladda muqdisho. Dilkaan ayaa ka dhacay wadada Isgoyska Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Xaawo Cabdi,Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa dilay ganacsadaha xiligii cishaha kadib. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Marxuum ...

Read More »

Akhriso:-Kiisaska Caabuqa Carona-virus ee Soomaaliya oo Gaaray 1,170,

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale ...

Read More »

Xildhibaanadda Galmudug oo Diidan Ansixinta Wasiiradda Galmudug+Dhageyso

Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimaddda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Xildhibaandda Baarlamaanka maamulkaas ay diidan yihiin ansixinta Golaha Wasiiradda Maamulkaas uu dhawaan soo dhisay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor). Sida uu kusoo waramayo wakiil wareedka idaacadda Simba ee deeganadda Galmudug, Xasan Khasaaro, xildhibaano badan oo taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa diidan  ansixinta ...

Read More »

Al-shabaab oo Amaro Dul Dhigay Hay’adaha Ka Shaqeya Samafalka+Dhageyso

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay amaro duldhigeen Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Samafalka ee Ka Howlagalla deegaanadda Gobolka Shabelaha Dhexe. Mid kamid ah beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in wabiga Shabeelle uu Baa’biyay beerihii ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay meel duur ah maciin bideen. Waxa uu sheegay in aysan ...

Read More »

Janeraal Bishaar Abshir Geedi Oo Loo Magacaabay taliyaha Booliska Galmudug

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar),ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidanka booliiska Galmudug,isagoo magacaabay taliye Kale. Wareegto uu soo saaray jeneraal Xijaar ayuu xilka uga qaaday gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo xilka taliyaha booliiska Galmudug hayay wax ka yar 3-bilood, waxaana taliyaha cusub ee booliiska Galmudug loo magacaabay Janeraal Bishaar Abshir Geedi. Mas’uulka la ...

Read More »

Al-shabaab oo Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Saldhig AMISOM

Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Ciidamadda Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Shabeelaha Hoose. Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Ambareeso oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin ciidanka Uganda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira khasaare ka dhashay. Warbaahinta ...

Read More »

Jubbaland oo ka Hadashay Xariga Gudoomiyihii Garbahaarey Amiin Caddow Kaarshe

Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay xariga loo geystay Gudoomiyihii Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, Imaan Caddow Kaarshe,kaasi oo la keenay magaaladda Muqdisho. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka dambeysay qorshaha lagu xirey Gudoomiyaha. Waxa uu sheegay in Amiin Caddow Kaarshe uu ahaa ...

Read More »