Qaramadda Midoobay oo Wakiil Cusub usoo Magaacabaysa Soomaaliya.

0

Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa inay bedesho wakiilkeedii gaarka ahaa ee Somalia Ambassador Nicholas Haysom, kaasoo ay dowladda Somala ku amartay inuu dalka isaga baxo kadib warqad su’aalo weydiin ah oo uu kasoo xarigii Sh. Mukhtar Roobow oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu kalsooni buuxda ku qabo Nicholas Haysom wuxuuna sheegay inuu si qoto dheer uga qoomameeyay go’aankii Soomaaliya ee ahaa inuu Nicholas Haysom isaga baxo Somalia.

Farhan Haq ayaa waxa uu sheegay in xoghayaha guud ee QM uu soo magacaabi doono wakiil cusub oo qaabilsan Somalia waxa uuna sababta ku sheegay inay muhiim tahay in hawlgalka QM uu sii wado shaqada uu ka hayo Somalia.

Dowladda Somalia ayaa Talaadadii lasoo dhaafay soo saartay warqad ay Haysom kaga dalbaneysi inuu isaga baxo Somalia, waxa ayna sababta ku sheegtay inuu ku xadgubay xeerka caalamiga ah ee dhanka diblomaasiyadda iyo inuu fara gelin ku sameeyey hab maamulka qaranka Somalia.

Intii lagu guda jiray kulankii golaha ammaanka ee QM oo dhacay khamiistii ayuu Haysom ka digay hannaanka siyaasadeed ee Somalia balse ma uusan soo hadal qaadin warqadda ay dowladda Somalia ee kasoo saartay ee amreysay inuu Somalia isaga baxo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here