Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda deeganadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada oo maanta tagay Baydhabo ayaa sheegay in doorashadii Madaxweynaha Maamulkaas ee 19kii bishaan ka dhacday Magaaladda Baydhabo ay tahay xaaraan islamarkaana aan lagala tashanin Shacabka iyo Mas’uuliyiinta halkaas kasoo jeeda.
Cabdifitaax Ibraahim Geesey Wasiirkii Hore ee Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay maanta Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo dastuurka ay baalmartay islamarkaana aysan,xataa diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Magaaladda Baydhabo lagu xasuuqay doorashadii ka hor.

