Waxaa goordhaweyd lasoo gabagabeeyay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Doorashadda ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa afar Musharax.
Natiijada Wareega Koobaad ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa noqotay sidaan.
1 – Cabdirshiid Yuusuf Jibriil 5
2 – Abdijamal Cismaan Maxamed 15
3 -Abdirahman Cali Jibriil 9
4 – Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) 37
Waxaana wareega labaad isgu soo haray Abdixakiin dhoobo iyo Abdijamal Cismaan maxamed .
Natiijadda wareega Labaad ayaa noqotay sidataan
-Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) 43 iyo -Abdirahman Cali Jibriil oo helay 23 dhinac.
Guddiga doorashadda Puntland ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu ku guuleystay Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo).

