Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeysay ee Sanadkaan 2019-ka ka fuliyay gudaha dalka Soomaaliya.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle Gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 2-dii bishaan lagu dilay 10kamid ahaa Al-shabaab.


