Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa ku toogatay Gacan Ku Dhiigle Alshabaab ka tirsanaa Fagaaraha Maanyafuulka ee Duleedka Baydhabo.
Maxamad Aadan Cali Booroow oo 15/6/2017 ku dilay Masjid ku yaala Baydhabo, Sh Madeer Madgaab Caliyow xilli uu Taraawiix ku jiray ayeey kol hore Maxkamadda Ciidamaddu ku xukuntay toogasho.
Gudoomiyaha Maxkamadda Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa goobjoog ka ahaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay.

